Sawirro: Xamza oo madaxda Save the Children kala hadlay dhaqan galka heshiis ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children, Ms Inger Aishling, oo uu weheliyo madaxa Save the Children Somalia, Mohamud Mohamed Hassan.

R/Wasaare Xamza ayaa masuuliyiintaas kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado wax u taraya jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed.

Kulanka kadib, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Save the Children, waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo qayb ka ah dardarin gelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta adduunka.

Axdiga ay xiligaas saxiixday Soomaaliya ayaa dhigaya sida ay lama huraan u tahay in laga hortago wax walba oo dhibaato u keeni kara carruurta Soomaaliyeed.

Duruufaha ay wajahaan carruurta Soomaaliyeed waxaa ka mid ah macluusha, cudurrada iyo tacadiyada ay qaarkood kala kulmaan goobaha warbarashada iyo qoyskooda, waana tan ugu daran ee sababtay in dunidu ka sameyso axdi gaar ah.

Intaas waxaa u dheer carruurta Soomaaliya askareynta, iyagoo aan qaan gaarin ama ku jira da’da qaan gaarka oo xaq ay u lahaayeen inay waxbarasho helaan ayaa la askareeyaa meelaha qaar, haba ugu daraatee kooxda Al-Shabaab oo ah argagixiso aan xeerin wax sharci ah.

Dalalka saxiixay axdiga Qaramada Midoobey ee ilaalinta xuquuqda carrurta oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu dabagalaa dhaqan gelinta heshiiskaas, waxaana mararka qaar dhacda in wadamada qaar lagu helo cadeymo muujinaya in heshiiskaas aysan dhaqan-gelin.