Waa kuma ninka awoodda badan ee maanta noqday madaxweynaha cusub ee Iran?

Tehran (Caasimada Online) – Kadib markii la xaqiijiyay warka ku saabsan geerida Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed, Mohammad Mokhbar Dezfuli, ku-xigeenkiisii koowaad ayaa la wareegaya xafiiska madaxweynaha dalka, isaga oo sii hayn doona mas’uuliyadda madaxtinimo ilaa inta ay ka dhacayso doorashada.

Waxa uu xilkaan hayn doonaa muddo laba bilood ah, sida uu qabo dastuurka Iran. Doorashada madaxtinimo ee Iran ayaa la qaban doonaa 50-ka maalmood ee soo socda.

Sida ku cad qodobka 131-aad ee dastuurka jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan, haddii uu geeriyoodo madaxwaynuha dalka, ku xigeenkiisa koowaad “isagoo ogolaansho ka helaya hogaanka sare”, waxa uu la wareegayaa awoodda iyo masuuliyada madaxweynaha.

Gudoomiyaha golaha wakiilada iyo Madaxa Garsoorka iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad waxa ku waajib ah inay diyaariyaan Madaxweyne cusub oo lagu soo dooranayo ugu badnaan konton maalmood gudahood”.

Waa kuma Maxammed Mokhbar?


Ka hor inta uusan noqon ku-xigeenka koowaad ee Ebrahim Raisi, Mohammad Mokhbar Dezfuli wuxuu muddo 15 ah ahaa madaxa shaqaalaha Fulinta ee xarunta Farman Imam – oo ka mid ah kooxaha dhaqaale ahaan ugu qanisan Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Xaruntan ayaa si toos ah u hoos timaada hogaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah Iran.

Waxa uu noqday madaxweyne ku xigeen isagoo la tartamaya rag kale oo caan ah oo ku jiray safka hore ee tartanka.

Maxammed Mokhbar Desful, wuxuu dashay bsihii June sanadkii 1955-kii, isagoo ku dhashay magaalada taariikhiga ee Desful.

Qoyskiisu waxay ahaayeen kuwo ahlu diin ah. Aabihiis, Sheekh Cabbaas Mokhbar, wuxuu ahaa daaci iyo wadaad diinta dadka waaniya, marna wuxuu ahaa imaamka ku meel gaarka ah ee Dezful.

Maxammad Mokhbar waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo sare ku qaatay Dezful iyo Ahvaz, sida ay qoreen warbaahinta Iran, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay injineernimada korontada, halka shahaadada master-ka uu ku qatay maamulka.

Waxa kale oo uu shahaadu ka qaatay cilmiga maamulka iyo qorshaynta dhaqaalaha, shahaadada doctorate-ka ayuu ku qatay sharciga caalamiga ah.

Lama hayo xog badan oo ku saabsan ninkaan ka hor bilowgii dhaqdhaqaaqii kacaankii Iiraan, balse waxaa la sheegay inuu xubin ka ahaa kooxda Khuzestan oo ah koox ka soo horjeeday dowladii Pahlawi, sida uu lagu daabacay wargayska Hamamihan.

Ka dib markii la aasaasay Ciidmada Ilaalada Kacaanka Iran ee loo yaqaano IRGC, qaybtooda Khuzestan, waxaa loo magacaabay sarkaalka caafimaadka ee Dezful ee ciidamada IRGC wuxuuna xilkan hayay sannadihii ay socdeen dagaalka Iran iyo Ciraaq.

Dhammaadkii dagaalka ka dib, Mohammad Mokhbar waxa uu noqday maamulaha shirkadda isgaarsiinta ee Dezful. Waxa uu sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka Khuzestan in muddo ah.

Intaa ka dib, wuxuu aaday Tehraan intii uu madaxweynaha ahaa Mohammad Faruzandeh, kadibna wuxuu qayb ka noqday hay’ad lagu magacaabo Mustafafan Foundation, isagoo jagooyin muhima ka qabtay.

Xilalka kale ee uu soo qabtay Mohammad Mokhbar, waxaa kamid ah, in uu soo noqday guddoomiyaha guddiga maamulka ee Bankiga Sina, kaas oo ka hoos shaqeyn jiray hay’adda Mustafafan Foundation.


Bishii Janaayo sanadkii 2021 kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, markii ay cunaqabateyn ku soo rogtay xarunta fulinta ee Farman Imam iyo madaxii xilligaas, Mohammad Mokhbar, waxay ku tilmaantay “Bahal Ganacsi”.

Waxaa jira qiyaaso kala duwan oo ku saabsan hantida Xarunta Taliska Sare. Sannadkii 2013 kii, wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa warbixin baaritaan ah ku sheegtay in xarunta fulinta ay tahay “Boqortooyo dhaqaale oo weyn” waxayna ku qiyaastay qiimaha hantideeda wakhtigaas ilaa 95 bilyan oo doolar.

Waxa magaca Mohammad Mokhbar uu ka soo muuqday warbaahinta sannadihii u dambeeyey ee uu ka shaqaynayey xarunta iyo markii uu dillaacay xanuunka Corona, iyada oo xaruntu ahayd mashruuca wax-soo-saarka tallaalka gudaha ee Covid-19.

Mohammad Mokhbar ayaa ku guuleystey tartankii jagada madaxweyne ku xigeenka 1aad ee ay aadka u baadi goobayeen magacyo aad loo yaqaano, sida Siciid Jalili, waxaana jagadaan loo magacaabay 17-kii Agoosto, shan maalmood kadib markii xilka uu ka tagay Ebrahim Raisi.

Isha: BBC