Sawirro: Muxuu yahay shirka xasaasiga ee dowladda iyo maamullada usoo idlaaday?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta soo xiray shir wada-tashi ah oo ka dhacay Dhuusamareeb.

Shirkan oo socday labo maalmood ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta amniga Soomaaliya, ayada oo sidoo kaoe looga hadlay mashruuca wada-jirka booliska (JPP-2) sharciga booliska Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale waxay dhinacyadu ku lafa-gureen qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha iyo bixitaanka ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo xiritaanka shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabad-gelyada guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa dhankiisa bogaadiyay guusha shirka, isaga oo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu ka socdo.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliyeed iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-gelin maamulka Puntland oo xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana hoos u dhigtay la macaamilkii hay’addaha dowladda.