Xamza: Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha.

Xamza oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirkan ayaa sheegay in bulsho karaankeedu hooseeyo aysan la loolami karin caalamka intiisa kale, si aan dunida ula tartannana ay muhiim tahay in la horumariyo awoodda dadkeenna.

“Bulsho karaankeedu hooseeyo, lama loolami karto caalamka intiisa kale, iskamana celin karto cadowga muuqda ee lidka ku ah iyo midka qiiqa isku qariya ee dibindaabyeynaya, Waxaase intaa oo dhan ka muhiimsan in la maalgeliyo lana dhiso karaanka iyo kartida bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay hiigsanayso isbeddel xooggan oo ku dhisan awoodda bulshada, taas oo horseedi karta isbeddel muuqda oo ku yimaadda caqliga iyo xoogga dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Bulsho aan lahayn dabaqad aqoon iyo xirfad sare leh, ma gaari karto nolol wanaagsan, qeyrkeedna lama tartami karto, mana hiigsan karto himilooyinka sarreeya ee ay madaxdeedu ku taamayaan, sidaa awgeed, waa in bulshadeennu ay heshaa waxbarasho loo siman yahay, fursado shaqo oo loo siman yahay, iyo adeeg caafimaad oo tayo leh,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dalkeennu uu yahay mid hodan ku ah kheyraad kala duwan, dhisidda kartida iyo karaanka bulshaduna uu qeyb libaax ka qaadan karo kobaca, horumarka iyo sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dalkeenna ceegaaga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasaaradaha adeegga bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, xildhibaanno ka tirsan labada aqal, safiirro iyo madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah.