Mareykanka oo beddelay qorshihiisa GAZA iyo arrin uu kala shaqeynayo ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa shalay magaalada Quddus kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray howl-gallada milatari ee Israa’iil ee ka dhanka ah Xamaas ee Gaza, xilli uu Mareykanka hore u sheegay inuu Israa’iil kula socon weerarada loo meel-dayin, kadib markii uu sheegay inay jabisay xeerarka caalamiga ah ee ilaaliya rayidka.

Jake Sullivan ayaa kala hadlay Netanyahu howl-gal bartilmaameedsanaya Xamas oo kaliya oo ay Isreal ka fuliso Koonfurta Qaza, iyada oo la ilaalinayo bad qabka dadka rayidka ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Mareykanka waxaa kale oo Sullivan uu uga warbixiyay Netanyahu waxyaabihii ay ka wada-hadleen isaga iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Qorshaha Mareykanku waxa uu ahaa in Sucuudigu aqoonsado Israa’iil oo uu ka caawiyo maamulka Falastiiniyiinta in ay la wareegaan gacan ku heynta Gaza, si ay ugu bedeshaan waddo ay ugu dambaynta Falastiiniyiintu ku helaan dawladnimo.

Netanyahu wuxuu ka soo horjeedaa fikradda Falastiin madax-bannaan oo uu sheegay inay khatar ku tahay amniga qaranka Israa’iil.

Mareykanka ayaa horay uga digay in uusan raali ka aheyn duullaan ay Israa’iil ku qaaddo magaalada Rafax oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah, ilaa ay Israa’iil ka keeneyso qorshe cad oo dammaanad qaadaya badqabka dadka rayidka ah.

Todobaadkaan Biden ayaa sheegay inuu hakinayo hubka uu Mareykanka u daabulo Isra’il, arrintaas oo uu uga jawaabayay qabsashadi ay Israa’iil qabsatay marinka isku xira Rafax iyo Masar iyo duqeymo ay ciidanka Israa’iil ka geysteen qeybo ka mid ah Rafax, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ah.

Israa’iil wali kama aysan jawaabin warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka, hase yeeshee qaar ka mid ah mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Koongareeska ayaa cambaareeyay warbixinta kuna tilmaamay mid lid ku ah Israa’iil.