Dowladda oo soo saartay digniin ku wajahan 11 gobol

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in 11 gobol oo ka tirsan dalka ay wajahi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka roobka (flash floods).

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in goboladaas oo kala ah Galgaduud, Sh/dhexe, Sh/Hoose, Bakool, Banaadir, Gedo, Jubbada-dhexe, J/Hoose, qeybo kamid ah gobolada Baay, Bari iyo Hiiraan ay saadaashu sheegayso inay asbuucan heli doonan roobab inta u dhaxeysa 10 – 100 (mm).

“Haddii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegayso waxay degmooyin gobolladaasi kamid ah wajihi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka ay roobabkaasi sababi karaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay hay’addu sheegtay in gobolada kale ee dalka ay asbuucaan heli doonaan roob xadigiisu u dhaxeeyo 01 – 10 (mm), kaasi oo dadku ay ku diirsadaan, oo aan saamayn badan lahayn.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay soo saareysay “Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota”, taasi oo ay uga digeyso haddii ay jirto halis ka dhalan karta roobabkaasi.