Sawirro: DF oo Soo saartay Go’aan lagu xirayo Shacabka Muqdisho haddii aysan….

Muqdisho (Caasimada Online)-Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdishpo ay ku qabteen taliyaha ciidamada NISA iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu amray shacabka magaalada Muqdisho iney si deg deg ah u sameynstaan kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

Kaararkaan aqoonsiga ayaa waxaa la doonayaa in ruux walbaa oo Muqdisho ku nool uu ku sameystaan ku dhawaad 20 doolar, waxaana la shaaciyay in maanta waxii ka dambeeya qofkii aan heysan la xeri doono, sida go’aanka lagu shaaciyay.

Ujeedada kaarkaan  ayaa ah sida uu sheegay Generaal Gaafow in la ogaadaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho, maadaama marar badan ay dhacday in dad dhintay la aqoonsan waayo, sida uu ku marmarsiyoonayo Generaal Gaafow.

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa dhankiisa sheegay  arintaan in laga doonaayo dhamaan muwaadiniinta dalka ku nool inay qaataan.

Waxa uu sheegay qaadashada Kaarka Aqoonsiga muwaadinka inay qayb ka tahay suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Warqada amarka ah ee ka soo baxay Talisyada Booliska, Nabad Suggida iyo Duqa Muqdisho ayaa la faray dhamaan Ardayda Jaamacadaha dhigtaan inay qaataan kaarkaasi Dowladda hoose.

Taliyaha-NISA 1

Taliyaha-NISA 2

Taliyaha-NISA 3

Taliyaha-NISA 4