Xog: Faarax C/qaadir oo la saftay Jawaari iyo Xasan oo meel cidlo…

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax C/qaadir uu la saftay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Faarax C/qaadir oo baryahaani danbe ay isku xumaayen Xassan Sheekh ayaa sheegay in mar kala la’eego sharciga dalka laga gar leeyahay Madaxweynaha isagoo tilmaamay in loo baahan yahay keliya in muranada Siyaasadeed loo xaliyo qaab xeer jajab ah.

Faarax C/qaadir ayaa Jawaari ku taageeray qodobka sida aadka ah loo hadal hayo ee uu Xassan Sheekh ku baalmaray qodobka 91aad ee Dastuurka kaasi oo dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisa dhamaado in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii heynayo xilka, inta Madaxweyne laga dooranayo, waxa uuna Faarax sheegay in waqtiga lagu jiro uu sii naxuusaayo sharciga, maadaama dalka uu galaayo xaalado adag.

Faarax C/qaadir oo kamid ah dhinacyada ka shaqeynaaya isku soo dhawaanshiyaha Xassan Sheekh iyo Jawaari, ayaa Madaxweynaha ku dhaliilay inuu ku adkeysanaayo in xilka uu sii hayo, balse ay suuragal tahay in culeyska laga qafiifiyo, waa haddii uu u hogaansamo xaqiiqda jirta kuna qodobeysan Dastuurka dalka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa wali ku doodaya inuu yahay mid ku saxsan baalmarka dastuurka, hayeeshee waxaa iminka socda kulamo lagu xalinaayo khilaafka labada mas’uul.

Dhanka kale, Faarax C/qaadir ayaa xiligaani marka loo eego Siyaasad ahaa waxa uu u janjeera dhanka Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana sii xumaanaaya xiriirka kala dhexeeya Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com