Xassan Sheekh oo ay lasoo daristay kalsooni dari dhanka..

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa walaac gaar ah ka miijiyay habacsanaanta Hay’adaha amaanka dowlada.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuu aad uga naxsan yahay sida uu iminka yahay amniga dalka, waxa uuna farta ku goday in Hay’adaha dowlada iyo kuwa AMISOM looga baahan yahay inay suuragaliyaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho iyo Gobolada la filaayo inay ka dhacaan doorashooyinka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in xiligaani loo baahan yahay in leysku garabsado keliya amniga dalka waxa uuna carab dhabay in Talisyada Hay’adaha amaanka dowlada iyo kuwa AMISOM laga rabo inay la imaadaan dhabihii lagu hirgalin lahaa xaqiijinta amniga, gaar ahaan waqtiga doorashada madaxweynenimo ee Oktoobar 2016.

Wuxuu ka codsaday midowga Afrika iyo gaar ahaan AMISOM in ammaanka la adkeeyo. Wuxuu sidoo kale codsaday in AMISOM ay adkeyso ammaanka waqtiga doorashada baarlammaanka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale, tilmaamay inay jiraan abaabulo lagu doonaayo in lagu fashiliyo doorashada dalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ahmiyad gaar ah ay uleedahay in xili dheer wax laga qabto amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan goobaha ay ka dhici doonto doorashada.

Qeyla dhaanta Madxaweyne Xassan Sheekh ayaa imaaneysa iyadoo laba habeen un ka hor uu kulan khuseeya amniga doorashada u qabtay Saraakiisha ciidamada xooga iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com