Hishiiskii Murunka Dhaliyay ee Dekada Berbera oo la ansixiyay

Hargeysa (Caasimada Online)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyay hishiiskii maalgashiga dekada magaalada Berbera ee maamulka Somaliland,kaasi oomurun badan ka dhex dhaliyay golaha wakiilada iyo shacabka Somaliland.

Hishiiskaasi ayaa maamulka Somaliland wuxu la galay shirkada DP Word oo fadhigeedu yahay Imaaraatka Carabta, waxaana hishiiskaasi diidanaa shacabka magaalada Barbera Qaarkood yo xubno kamid ah golaha wakiilada Somaliland.

Kulanka Baarlamaanka oo ay goobjoog ka ahaayeen ku dhawaad 74 xubnood ayaa ka dhacay xarunta baarlamaanka maamulka Somaliland ee magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somaliland.

Dood dheer ka dib ayaa  gudoomiyaha baarlamaanka  waxa uu amray in cod loo qaado , waxaana suurta gashay in xildhibaanada badankood ay u codeeyaan.

in heshiiskan uu meelmaro waxaa ogolaatay 69 mudane waxaana diiday 4 Mudane.

Ugu dambeyntii gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in uu meelmaray heshiiskii Somaliland iyo Shirkadda DP World oo maal gelinaysa dhismaha dekeda magaalada Berbera.