Sawirro: Safiirka USA oo 25 sano kadib magaalada Muqdisho yimid

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa shan iyo labaatan sano kadib maanta Safiirkeeda usoo dirtay magaalada Muqdisho, waxaana safiirka cusub uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeedkasoo baxay xafiiska wasaarada arimaha dibada ayaa  lagu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ku faraxsan tahay safiirka cusub ee Muqdisho yimid.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa u sharaf ah inay soo dhoweyso Danjire Stephen M. Schwartz  oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya .
Danjire Stephen M. Schwartz waa Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee loo soo magacaabo Soomaaliya. Magacaabistiisa waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka . sidoo kale waxa ay tilmaan cad u tahay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka .
Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir laba geesood taariikhi ah. Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka saaxiib dhab ah iyo isbaheysi garab istaagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay .
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku howlan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka .
safiir-mareykan safiir-mareykan1 safiir-mareykan2
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com