DF oo war kasoo saartay wejiga labaad ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo faah-faahin ka bixiyay wejiga labaad ee dagaalka ee dhawaan bilaaban doona.

“Shaqadii soo bilaabatay billo ka hor ayaa weli socota, meel gaar ah oo meel hebel ayaa dagaal ka qaadeyna aan ku leeyahay majirto laakiin dib u xoreynta Khawaarijta si fiican ayay u socotaa,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga ee dowladda federaalka.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa waxa uu sheegay in diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka uu si habsami leh u socda, islamarkaana ay dhawaan shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan war farxad-geliya, “Waxaa rabaa in shacabka Soomaaliyeed uga bushaareynayo in taako kamid Khawaarij joogto xabadda kama joogsan doonto.”

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sidoo kale waxa uu xusay in dagaalka iyo diyaar garowga wejiga labaad ay ka wada socdaan dagaalka meelo badan oo dalka, ayna ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo kaashanayo cid walba oo dowladda ka garab siin karta arrintaas.

“Qorshaha dalka guud ahaan waa in Khawaarijta dalka laga xoreeyo, dib u xoreyntaasi weli waa socota illaa ay ka dhamaato lama joojinayo. Diyaar-garowga iyo dagaalkaba waa socda,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dowladda Soomaaliyeed qof alaala iyo ciddii nagu kaalmeysa in Khawaarij dalka laga saaro waa kaashaneysa, cid walba way nagala qeyb-galeysa oo aan u aragno in Khawaarijta dalka nagala saarayso, garabna siineysa shacabka Soomaaliyeed.”

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay maalmihii ugu dambeysay abaabul iyo diyaargarow ciidan laga soo sheegayay gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, ayada oo gaba-gabo uu yahay wajiga koowaad ee dagaalka.

Wejigii hore ee hawl-galka ayaa Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.