Dhageyso: Sanbaloolshe oo si weyn u dhaliilay wejiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa si weyn u dhaliilay qorshaha ay dowladda federaalka Soomaaliya ku billaabeyso wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda inay isku koobtay qorshaha dagaalka wejiga labaad, oo sida la wada ogyahay wajigiisi koowaad ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanka, kaasi oo laga gaaray guul wax ku ool ah.

Sanbaloolshe oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in wejiga labaad uu hoos u dhac weyn ku yimid marka la eego dhanka la-socodka bulshada gudaha iyo dibadda, ka qeyb-galka qabaa’ilka iyo dhinacyadii kale ee qeybta ka ahaa wejigii koowaad ee dagaalka.

“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hogaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa u maleysa in ahmiyadii la rabay in la siiyo qabaa’ilka, deegaanada iyo maamulada ayaa hoos loo dhigaya, waxaa kor loo qaadayo tii ciidanka sida muuqatana horumar weyn waa laga gaari la’yahay.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hoos u dhacday taageeradii dowladda ee dadka deegaanka ee qeybta ka ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay muujineyso sida ay dowladda keligeed iskugu soo koobeyso dagaalka wejigiisa labaad.

“Waa muhiim doorka dadka, askarta keligood ma guuleysan karaan, dadkana kaligood ma guuleysan karaan ee waxaa soo baxay marka la wada socdo ayaa la guuleysanaya. Meesha waxaa timid wax la dhaho isla-jaan qaad oo dadweynihii deegaanka, beeshii caalamka iyo ciidankii dowladda ayaa isla jaan-qaaday oo haddii mid maqan tahay inta kale ma guuleysan karto.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo daddaalada ay qeyb uga noqonayaan dalalka deriska dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, “Qofkasta oo dhagax nagula tuuraya Shabaab waa soo dhaweynayna, Shabaab waa khatar caalami ah oo gobolka ah, oo khatar Soomaaliya ah.”

Hoos ka dhageyso