Madaale oo sharciyeeyay ‘lacag laaluush ahaan loo qaadan jiray’ + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dhawaaqay in la sharciyeeyay lacag dheeraad ah oo laaluush ahaan looga qaadan jiray dadka usoo adeeg doonta xarunta gobolka.

Lacagtan oo laga qaadi jiray dadka raba waraaqaha dhalashada ayaa markii hore si loogu fududeeyo adeeggooda laga qaadi jiray lacag badan oo dheeraad ka ah midda rasmiga ah, hase yeeshe guddoonka ayaa shaaciyay in meesha laga saaray lacagihii laaluushka ahaa ee sida hoose loo kala qaadan jiray, islamarkaana ay hadda ku dhaceyso akoonka dowladda hoose ee Xamar.

“Dadka waa dad deg-degsan oo raba in loo boobsiiyo meeshii la gacma-gacmeysan jiray dadka waxaa dhahnay $5 oo dowladda Hoose ogtahay oo akoonkeeda ku dhacaya ayaa laga qaadaya, shantaas doollar waaxda ayaa dib loogu celinaya oo amuuraheeda dib loogu celinayaa,” ayuu yiri.

“Ka badan lagama qaadi karo qof deg-degsan $5, kuwa caadiga ah $15 ayuu bixinayaa ee warqada dad-dhigista (dhalashada). Ciddii ku xad-gudubta dadka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxay lamid tahay kuwa been abuurka sameynaya.”

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu digniin culus u diray shaqaalaha gobolka, oo uu sheegay in ciddii lagu qabto iyada oo laaluush ka qaadeysa dadka adeegga soo doontay ay sharciga la tiigsan doonaan.

“Kuwa ka shaqeeya goobaha ku xisaabtama ayaa leeyahay sharciga ayaa la idinla tiigsan doona. Dadweynaha waxaa u sheegayna ka dhaafa dadka laaluushka kala daba-wareegaysan deg-deg hadda rabto $5  shaciga bixineysa wax ka badan lagama qaadi karo, hadda qof caadi ah tahay lacagta caadiga ah ayaa iska bixineysa wax walwal ah ama degdeg ah ma jiraan.”

Inta badan hay’addaha dowladda ayaa waxaa aad looga cawda marka loo adeeg doonto in dadka lagu baarto oo laga qaado lacago aan ku dhicin akoonada dowladda, taasi oo dhowr jeer ay cabasho xooggan ka muujiyeen dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo