Faah-faahin laga helayo nabadoon lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka oday nabaddoon ah oo maanta loogu geystay degmada Kaaraan, xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa halkaasi.

Koox hubeysan ayaa Nabadoon Cali Cumar Carraale AUN ku toogtay goob ganacsi oo ku lahaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyada oo dableyda geysatay dilkaan ay markiiba iskaga baxsadeen goobta.

Nabaddoon Cali ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayada oo dilkiisa lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab oo dadka deegaanka uu kasoo jeedo kula jiraan dagaal xooggan.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir, oo la xiriira dilka Nabaddoonkan loogu geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dilka Nabaddoonkan ayaa imanaya xilli uu xalay degmada Kaaraan ka qabsoomay shir looga hadlayay amaanka degmadaasi, oo ay ka qeyb-galeen maamulka gobolka, saraakiisha ciidanka, maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Kaaraan ayaa noqotay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, islamarkaana ay ku sugan yihiin kooxo burcad ah iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeya dadka shacabka ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo kulankaas.

Si kastaba, Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka dhaca waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana ay wajaheysaa xaaladdii ugu darneyd ee amniga, taas oo dib u dhigtay hormarkii degmadaasi.