DF oo tallaab qaaday, kadib burburintii Hoyga Xamar

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay weerarkii burburinta ahaa ee shalay aroortii hore lagu qaaday dhismaha Dugsiga Hoyga Xamar, gaar ahaan qeybta xanaanada caruurta ee Iskuulkaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabayey falkaasi ayaa xilka qaadis ku sameeyey taliyihii Booliska qeybta Waliyow Cadde, wuxuuna magacaabay mid cusub.

Taliyaha cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Yaasiin Nuur Kheyre (Ganey), kaas oo ka mid ah saraakiisha Booliiska, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Sidoo kale taliyaha cusub ayaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilkiisa, islamarkaana uu howsha Booliska qeybta Waliyow Cadde kasii wado halkaasi.

Saraakiisha Booliiska & ciidamada ayaa sidoo kale la faray inay la shaqeeyaan taliye Ganey oo ah nin dhalinyaro ah.

Si kastaba falka lagu weeraray iskuulka Hoyga Xamar ayaa waaa ka dhashay fal-celin xoog-leh iyo cambaareyn ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamo Booliska ah oo wata gaadiida dagaalka ay burbriyeen qeyb muhiim ah oo ka mid ah Iskuulkaasi.