Sidee ROOBLE ku qaadan karaa kaalinta hogaamineed ee marxalada kala-guurka?

Baajinta uu ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble baajiyey dibadbaxyadii Jimcaha iyo heshiiska dab biyo ku shubidda ahaa ee uu la galay musharaxiinta madaxweynaha iyo qaabka ay arrintaasi usoo dhoweeyeen  maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay soo dedejisay su’aasha ah ‘Sidee Rooble ku Qaadan Karaa Kaalinta Hoggaamineed  Ee Marxaladda Kala-guurka?!

In uu qaato kaalin hoggaamineed marxaladdan waa mid ku jirtay barnaajimka xukuumadda Maxamed Rooble, uuna ka hor sheegay golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah September 23, 2020 khudbadii uu ku raadinayey kalsooni siinta isaga oo yiri ”Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa iga go’an in aan soo dhiso xukuumad talo leh  oo ka tarjumeysa baahiyaha kala duwan ee jira dalkeenna Soomaaliya, marlaxaddan dalka ku jirana ka gudbisa, gaarsiisa, fulisana hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay”.

Haddaba, idaacadda Goobjoog ayaa su’aashaasi kore waxaa ay hordhigtay  aqoonyahan  iyo falanqeeyeyaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyaga oo Rooble kala hadlay sida uu ku noqon karo mas’uulka ugu sareeya ee hoggaanka marxaladda kala guurka.

Prof  Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah bare jaamacadeed iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo wax laga weydiisay kaalinta hoggaamineed ee ra’isul wasaare Rooble qaadan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri” Sharci ahaan dastuurka isaga ayuu siinayaa, oo awoodeedu waa uu leeyahay, laakin inuu garanayo ma hubo,  oo haddii uu garanyo intan la islama gaarteen, waxaan  qabaa waxaa uu is leeyahay Farmaajo haddii uu soo noqdo mar kale ra’isul wasaare hakaa dhigo, haddii hunguri sidaa ah uu Rooble ku jiro, waxba ma qaban karo, oo hoggaan ma noqon karo, ee waxaan usoo jeedinayaa inu u garto awoodihiisa dastuuriga ah ”.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare jaamacadeed isla markaana ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in xasiloonida Muqdisho iyo in la aado doorashada guud intaba ay ku xiran tahay sida Maxamed Rooble, oo ah ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta uu u qaado kaalintiisa hoggaamineed ee dastuuriga ah isaga oo intaa raaciyey  ” Rooble ma noqon karo nin madaxbannaani iyo awood leh, oo hoggaan u noqda maxlamadda kala guurka inta Farmaajo uu sii heysto awoodaha qodobka 90-aad ee dastuurka ”.

Prof Xasan Sheekh Cali Nuur  oo ka hadlay sida ra’isul wasaare uu u noqon karo hoggaanka marxaladda taagan ayaa waxaa uu yiri ” Rooble waa inuu noqdaa nin madaxbannaan, uuna isticmaalo awoodda dastuurka siiyey gaar ahaan kuwa xukuumad xil gaarsiinta, oo aanu noqon nin nin kale ku dhex jira ”.

Dhanka  doorashada iyo hoggaaminteeda waxaa uu Prof Xasan Sheekh Cali Nuur   hadalkiisa kusoo gabagabeeyey ” Waa inuu Rooble magacaabaa koox la taliyeyaal ah, oo uu abuuraa kalsooni, waana inuu tagaa Kismaayo iyo Garoowe, isaga oo aan ka socon Farmaajo, una sharaxaa aragtidiisa la xiriirta hoggaaminta dalka ee marxaladda kala guurka, uuna meel hoose kasoo bilaabo ”.

Dhankiisa, Prof Maxamed Xaaji Ingiriis oo ah cilmi baare iyo taariikhyahan Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay hoggaaminta uu ra’isul wasaare Maxamed Rooble yeelan karo marxaladda kala guurka ayaa waxaa uu yiri  ” Waa In ras’isul wasaare Maxamed Rooble uu xilkiisa  iyo awoodihiisa dastuuriga ah garto , hadda ma garanayo e, awoodda xukuumadda  ee waddanka looga saarayo marxaladda kala guurka ee dastuuriga ah waa isaga, waa inuu soo ceshtaa awoodahaas ka maqan, oo uu ka baxaa inuu yahay gacan yaraha madaxtooyada ”.

‘Beesha caalamkana waa iney Rooble gacan ku siisaa  inuu helo awoodaha hoggaanka ee marxaladda kala guurka’ ayuu intaasi raaciyey Prof Maxamed Xaaji Ingiriis.

Ugu dambeyntii, Maxamed Maxamuud Cadde ah falanqeeye siyaasadeed oo arrintan ka hadlay ayaa waxaa uu yiri  ” Waa inuu shir isugu yeeraa  dhamaaan saamikmleyda siyaasadeed oo ay ku jiraan musharaxiinta iyo bulshada rayidka ah iyo madaxweyeyaasha Galmudug iyo Hirshabelle in aaney  ka shaqeyn  ama taageerin  mowqif ka duwan kan deegaanadooda, ma taageeri  karaan Farmaajo.  Haday diidaana in aan shirka laga qeyb galin oo laga tashado, haddii sidaas la yeelo waxaa suurowda in xal laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo dhan ”.

Haddaba, Maxamed Rooble oo magacaaban ku dhowaad lix bil ayaan la ogeyn sida uu uga dhabeyn doono hadalkiisa ah inuu ka shaqeyn doono kala guurka iyo xataa talooyinka la siinayo ee uu ku noqon karo hoggaamiyaha marxaladdan.

W/Q: Cabdicaziz Axmed Gurbiye