DF oo tallaabo culus qaaday kadib weerarkii Shabaab ee Balcad + Sawirro

Balcad (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii todobaadkii hore ay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ugu horreeyaan saraakiisha laamaha amniga ayaa xalay tegay degmada Balcad, iyaga oo halkaas ka sameeyay kormeer ballaaran.

Xubnaha booqday Balcad waxaa kamid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi, Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Cabdifitaax Shaaweeye, saraakiil ka tirsan Boolis Milataaro iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahan ka socda dowladda federaalka ayaa kormeer kadib la kulmay maamulka degmada Balcad iyo qaybaha bulshada, iyaga oo kala hadleen xaaladda degmadaasi.

Guddoomiye Yabooh oo warbaahinta hadal kooban ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa kormeer ku saabsan amniga, wuxuuna tilmaamay in xaaladda Balcad ay dagan tahay, isla markaana ay kamid a meelaha laga ilaaliyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Yabooh ayaa sidoo kale ka digay in bulshada la marin habaabiyo, iyada oo looga faa’iideysanyo dano gaar ah oo siyaasadeed,.

“Dadka isku dayaya in ay bulshada marin habaabiyaan, haka digtoonaadaaan, amniga Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Balcad waa isku xiran yahay” ayuu yiri Yabooh.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo soo dhaweeyay mas’uuliyiinta tegtay Balcad ayaa sheegay in amniga degmada uu wanaagsan yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan argagixisada.

“Al-Shabaab ma qabsan karto magaalada Balcad, waana amni, wararka been abuurka ah dadka faafinaya ha joojiyaan, waxaan wadnaa howlgallo iyo Roondo joogto ah oo lagu xaqiijinayo Amniga guud” ayuu yiri guddoomiye Qaasim Cali Nuur.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo todobaadyadii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab culeys soo saartay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo isku deyday inay qabsato deegaanno horay looga saaray waxaase ka hortegay ciidamada isbaheysanaya.