Shiinaha oo ku dhowaaqay arrin uga sii dari doonta xiisadda Mareykanka

Beijing (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay la dagaallanka Mareykanka “nooc kasta” oo dagaal ah, kadib markii uu ka horyimid canshuuraha ganacsiga ee sii kordhaya ee madaxweyne Donald Trump.

Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ku dhawaaday dagaal ganacsi kadib markii Trump uu canshuuro badan ku soo rogay dhammaan badeecadaha Shiinaha.

Shiinaha ayaa si deg-deg ah uga aarguday, isagoo 10-15% canshuur ah ku soo rogay badeecadaha beeraha ee uga yimaada Mareykanka.

“Haddii dagaalku yahay waxa Mareykanku doonayo – ha ahaado dagaal canshuureed, dagaal ganacsi, ama nooc kasta oo dagaal ah – waxaan diyaar u nahay inaan dagaallano ilaa dhammaadka,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta X, oo ay safaaradda Shiinaha ku xustay bayaanka dowladda ee Talaadadii.

Hadalladan ayaa noqonaya kuwa ugu xoogganaa ee illaa hadda kasoo baxa Shiinaha tan iyo markii uu Trump noqday madaxweynaha Mareykanka.

Sidoo kale, waxay ku soo beegmaysaa xilli hoggaamiyayaal sare ay iskugu yimaadeen Beijing si ay uga qayb galaan shirweynaha sanadlaha ah ee Golaha Shacabka Qaranka.

Hoggaamiyeyaasha ku sugan Beijing ayaa isku dayaya inay fariin u diraan shacabka Shiinaha, iyagoo muujinaya kalsoonida ay ku qabaan kobaca dhaqaalaha waddanka, xitaa haddii ay jirto khatarta “dagaal ganacsi.”

Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu rajeynayo inuu ka faa’iideysto ficillada madaxweyne Trump ee la xiriira xulafada Mareykanka, sida Canada iyo Mexico, kuwaas oo sidoo kale uu ku soo rogay canshuuro.

Beijing ayaa dhawaan xaqiijisay in Shiinuhu sii wadi doono furfurnaantiisa iyo rajada uu ka qabo soo jiidashada maalgashi shisheeye oo badan.

Shiinaha ayaa horey u muujiyey inuu diyaar u yahay dagaal, iyadoo dhammaadkii bishii Oktoobar Madaxweyne Xi uu ku baaqay in ciidamadu xoojiyaan diyaar-garowgooda dagaal, iyagoo sameynaya tababaro milateri oo ka dhacaya agagaarka jasiiradda Taiwan, oo iskeed isu maamusha.

Inkasta oo la hakiyay tacriifaddii uu Madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana weli waxba lagama beddelin canshuuraha uu ku soo rogay badeecadaha uu Shiinaha u dhoofiyo Mareykanka.