Jeneraal Odawaa: Shabaab waxay ku jiraan saacadihii ugu dambeeyey ee burburkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), General Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ku baaqay riixitaan kama dambeys ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, isagoo ku dhawaaqay in kooxda xagjirka ah ay ku sugan tahay meel burbur ku dhow, isla markaana ku boorriyay ciidamada dowladda inay sii wadaan dardartooda.

Isagoo ka hadlayay jiidda hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyaadka xulafada ah ay xoojiyeen howlgallada, Odawaa wuxuu ka digay in xagjiriintu ay ku sugan yihiin “halgankoodii ugu dambeeyay” isla markaana ay tahay xilligii la soo afjari lahaa.

“Muddo laba sano ah, Al-Shabaab waxay ku jirtay go’doon. Way daciifeen oo quus bay ka taagan yihiin,” ayuu yiri Odawaa. “Howlgallada waa inay sii socdaan iyadoo aan la hakinin. Guushu waxay u baahan tahay naf-hurnimo, mana jirto dal sharaf ku helaya si bilaash ah.”

Taliyaha ciidanka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in ciidamadu ay tahay inay ahaadaan kuwo adkeysi leh, isagoo uga digay inay ka baxaan goobaha dhawaan la xoreeyay.

Hadalladiisa ayaa imaanaya xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarrada ka dhacaya Shabeellaha Dhexe, taasoo u muuqata isku day lagu carqaladeynayo howlgalka militariga ee socda.

Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan maleeshiyaadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo 2022-kii, iyadoo dib ula soo wareegtay saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda xagjirka ah ayaa sii waday inay fuliyaan weerarro gaadmo ah oo dhimasho badan geysta, qaraxyo ismiidaamin ah, iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq si ay u carqaladeeyaan howlgalka.

Hadallada Odawaa ayaa muujinaya ujeedka dowladda ee ah inay sii kordhiso ololaheeda. Iyadoo ciidamada Soomaaliya ay sii galayaan goobaha ay xagjiriintu maamulaan, toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa inay noqdaan kuwo muhiim u ah go’aaminta aayaha kooxda.