DF oo wada qorshe lagu soo celinaayo maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Somalia ay wado qorsho lagu soo deynaayo maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira Xabsiyada Iraan.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in qorshaha hadda socda uu yahay in wafdi loo diro dalka Iraan si ay wada xaajood ula galaan dowlada Iraan oo heysa Maxaabiis badan.

Waxa uu Wasiir Cawad tilmaamay inay jiraan Maxaabiis badan oo ku xiran dalka Iraan, kuwaa oo uu tilmaamay inay u xiran yihiin danbiyo kala duwan.

‘’Waxaan Iiraan u direynaa wafdi heer Qaran ah oo kala hadla arrimaha maxaabiista, waxaanu wadnaa dadaal dheeri ah, si ay dowladu u hanato maxaabiista kaga xiran Iiraan’’

Wasiirku waxaa uu sheegay inay dhawaan dalka Iran loo dirayo wakiilo danjirayaal ah oo Soomaaliya ka socda kuwaasoo qorshuhu yahay inay xukuumadda Tehran kala hadlaan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku jira xabsiyadda dalkaas.

Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa cadeeyay inay dib usoo celin doonaan xiriirka Diplumaasiyadeed ee Somalia kala dhexeeyay dowlada Imaaraadka Carabta.

Dowladii hore ee Somalia ayaa xili sii horeysay jartay xiriirka Somalia kala dhexeeyay dalka Iiraan oo horay uga mid ahaa dowladaha garab siiya Somalia.

Ma cadda sida ay dowlada Somalia dib ugu soo celin doonto Maxaabiista kaga xiran Iiraan iyo Xiriirka Diplumaasiyadeed ee go’ay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com