Goormee ayaa lagu dhawaaqayaa xiliga doorashada guddoomiyaha BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in kulan khaasa ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan guddiga loo xulay doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka ee shalay la magacaabay.

Kulanka Guddiga ayaa la filayaa in lagu dajiyo qaabka ay u dhici doonto doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulanka maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu iclaamin doonaa xiliga ay dhaceyso doorashada Gudoomiyaha, si Musharaxiinta ay u guda galaan isdiiwaan galinta.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo dhawaan Baarlamaanka ku soo biiray, ayaa sheegay inay ka fogaan doonaan dib u dhac ku imaada xiliga doorashada.

Xildhibaan Nuur Iidow, oo shalay loo doortay xilka Guddoomiyenimo, ayaa intaa ku daray hadalkiisa inay dhex dhexaad u noqon doonaan Musharaxiin.

Dhinaca kale, Guddigaan ayaa waxa ay Shaqadooda wadan doonaan ilaa laga doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay isku soo sharaxeyn musharixiin farabadan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com