Soomaaliya oo loo ogolaaday in ay ku biirto urur ganacsi oo muhiim ah

Maamulka ururka ganacsiga ee dalalka bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah u soo dhaweynaya bisha June ee soo socota dalalka Soomaaliya Iyo Tunisia oo ku biiraya COMESA waxaana kordhaya tirada ku mideysan ururkan ganacsi ee qaaradda Africa oo gaari doona 21 dal.

Aqbalititaanka codsiga dalalka Soomaaliya Iyo Tunisa ayaa yimid kadib markii ay saxiixeen heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaaradda Africa oo ay ka qeyb galeen Kulanii  gaarka ahaa ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee diiradda lagu saaray Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda “African Continental Free Trade Area” kaa oo Bishii March ee sanadkan ka furmay Magaalada Kigali ee dalka Ruwan.

Saraakiisha COMESA  ayaa sheegay in Soomaaliya Iyo Tunisia ay ku biirayaan Ururka Ganacsiga Bariga Iyo Koonfurta Africa Ee COMESA kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ee kamid noqoshada Ururka Ganacsiga Africa Ee Comesa.

Qodobka 4-aad ee heshiisku waxa uu dhigayaa in Maamulka COMESA uu aqoonsan karo wadan waliba oo deris la ah dalalka xubnaha ka ah ururka ee soo biixiya shuruudaha looga mid noqonaya iyo xeerarka u dagsan  si loo bilaabo wadashaqeynta COMESA.

In la aqbalay Soomaaliya Iyo Tunisa waxa ay soo afareysaa codsigoodii taagnaa muddo sanado ah oo ay ku doonayeen xubinamada COMESA.

490 Million oo qof ayaa hadda ku mideysan suuqa waxaana ku biiritaanka Somalia iyo Tunisa uu tiradada dadka ka dhigi doonaa 516 Million oo qof, waana kala bar dadka ku nool Qaaradda Africa.

Shir ay ku yeesheen xubnaha ururka Magaalada Antananarivo ee dalka  Madagascar bishii  Oktoobar, 2016-kii , wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Tunis ayaa soo xaadiray waxaana ay codsadeen  in lagu daro COMESA iyagoo sheegay ineey diyaar u yihiin fulinta dhamaan Barnaamijyada Ururka COMESA.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaas si gaar ah ugu dooday xaqqa ay u leedahay in loo ogolaado COMESA.

Heshiiska Ganacsiga Africa  waxa uu isu keenayaa ururka horumarinta ganacsiga ee koofurta Afrika (SADC), ururka bariga Afrika, (EAC) iyo suuqa wadajirka ah ee Bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA.

Heshiiska waxa uu abuurayaa shaqeeleysiinta dad lagu qiyaasay 625 milyan oo qof, oo ku nool 26 dal oo Afrika ah, si loo fududeeyo isugudbinta alaabaha iyo adeegyada ganacsiga.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: theeastafrican.co.ke