Qaybdiid oo sheegay hadal niyad jebiyey Soomaali badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socoshada arimaha dastuurka ee Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa shaaca ka qaaday in Somalia aanu ka dhici doonin wax la yiraahdo midnimo.

Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa sheegay in midnimada Somalia ay tahay mid ku xiran aqoonsiga Maqaamka Muqdisho oo uu sheegay inay ka meermeereyso dowlada Somalia.

Qaybdiid, waxa uu tilmaamay mar hadii aan maqaamka uu Muqdisho yeelanayo aanan lagu cadeynin Dastuurka dalka, micnuhu ay ka dhigan tahay midnimada Somalia oo weli qabyo ah.

Waxa uu Qaybdiid carab dhabay in Muqdisho ay dooneyso maqaamka ka maqan, sidaa aawgeed dowlada hadda jirta laga doonaayo inay Dastuurka ku darto Maqaamka Muqdisho.

‘’Midnimada Somalia waxa ay ugu dhow dahay goortii Muqdisho lasiiyo maqaamka ka maqan, waxaan leeyahay dowlada ha dhowrto Muqdisho oo ha keento xuquuqdeeda’’

Qaybdiid, ayaa hadalkan ka sheegay kulan lagu sagootinayay Gudoomiyayaasha baarlamaanada maamul gobaleedyada dalka ka jira iyo Gudiyada madaxa banaan iyo midka baarlamaanka Somalia u qaabilsan dastuurka qabyo tirkiisa.

Waxa uuna Mr Qaybdiid ku celcelshay in laga wada shaqeeyo sida ay Muqdisho ku hana laheyd Maqaamka ka maqan, oo uu sheegay inay ku jirto gacanta Madaxda ugu sareysa dalka.

Dhinaca kale, Dowladihii hore ee dalka kasoo arrimiyay ayaa horay u qaadacay Maqaamka Muqdisho, maadaama Muqdisho lagu sifeeyay magaalo u dhexeysa dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com