Daawo: Maxaa ka jira in Imaaraadku aqoonsaday baasaboorka Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta ayaa bilowday in qaab dowladeed ay ula dhaqanto maamulka Somaliland oo qeyb ka ah maamulada xiligaan ka jira dalka Somalia.

Dowlada Imaaraadka ayaa maalmihii ugu danbeeyay si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka maamulka Somaliland xili uu jiro Khilaaf ka dhashay arrimaha ceynkaani ah oo ka dhextaagan dowlada Somalia iyo Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa maamulka Somaliland u fasaxday in dadkeedii wata Baasaboorka lasiiyo Fiiso dal ku gal ah, isla markaana loola dhaqmo sida dowladaha kale loola dhaqmo.

Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay in System-ka Socdaalka (Immigration) UAE ay ku dartay amarka Fiisooyinka lagu saarayo Baasaboorada maamulka Somaliland.

Dowlada Imaaraadka oo dhawaan ku dhawaaqday in Saldhig Militery ay ka dhisaneyso magaalada Berbera, isla markaana la wareegtay Dekadda berbera ayaa talaabadaani aqoonsiga ku raali galinaaya maamulka Somaliland.

Dowlada Imaaraadka ayaa dhawaan sheegtay in qunsuliyad aysan ku laheyn Somaliland, safaaradna ku laheyn gudaha Somaliland, waxa ayna intaa raacisay Imaaraadka inaanu jirin xiriir gaara oo ay la leedahay Somaliland, hase ahaatee waxaa soo baxaaya in dhammaan haddalka kasoo yeeray Imaaraadka uu yahay mid aan waxba ka jirin.