Waa imisa gaadiidka dagaal ee uu Ruushka geynayo saldhigga uu ka dhisayo Saylac?

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka waxaa ay wadahadal kula jirtaa Maamulka Somaliland, waxaana ay dooneysaa in ay saldhig Milatari ka dhisato magaalada Saylac ee Gobolka Awdal.

Magaaladaas waxa ay ku taalla Badda Cas,waxaana ay isu muuqdaan Saldhigyada Waddamo shisheeye ku leeyihiin dalka Jabuuti,waddamadaas waxaa ka mid ah Mareykanka, France, Jaban, China iyo kuwo kale.

Ruushka oo ballaarinaya awooddiisa dhinaca Dibadda ah ayaa waxaa uu hadda qorsheynayaa dhismaha Saldhig Milatari oo uu ku yeesho Qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga, waxaana uu wadahadal kula jiraa Maamulka Somaliland ee sheegtay in uu ka go’ay Somalia inteeda kale hayeeshee aan aqoonsiga helin.

Haddaba Wargeyska Face 2 Face, ayaa daabacay tirada Ciidanka,Gaadiidka dagaal sida Maraakiibta, Taangiyada iyo Diyaaradaha Dagaalka ee uu Ruushka geynayo Saldhigga Saylac haddiiba uu kula heshiiyo Somaliland.

Ciidanka Ruushka ee saldhiggaas degaya waxaa lagu sheegay 1,500 Askari,Labo Markab oo kuwa bur buriyayaasha ah, Afar Markab oo noocaha Raadaarrada leh ah sidoo kalena leh hooy la seexan karo, Labo Markab oo nooca Gujiska loo yaqaanno ah, Labo Markab oo nooca diyaaradaha qaado ah,waxaa ay qaadi karaan lix diyaaradood oo kuwa waaweyn ah midkiiba ama 15 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ee Miigga iyo adeegyo kale.

Somaliland ayuu wargeysku sheegayaa in Saldhiggan ay kaga beddeleneyso Ruushka Aqoonsi uu siiyo maaddama aysan ahayn dal la aqoonsan yahay.

Saldhigga Duleedka Saylac waxaa uu noqonayaa saldhigyada uu Ruushka ku leeyahay meel ka baxsan Dalkiisa,waxaana waddamada uu saldhigyada ciidan ku leeyahay ka mid ah; Armenia, Belarus, Georgia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Moldova, Syria, Tajikistan  iyo  Vietnam.

Isha: Face 2 Face