Xog laga helay booqashada Gaas ee Abu Dhabi iyo Imaaraadka oo damacsan qas cusub

Abu Dhabi(Caasimada Online)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa Sabtidii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii dhawaan uu joojiyay howlihii tababarka uu ka waday dalka Soomaaliya.

Booqashada deg dega ee C/weli Gaas ayaa kusoo beegantay maalmo kadib markii uu caddeeyay mowqifkiisa ku aadan taageerada Imaaaraadka Carabta, xili xiriirka dowladda dhexe iyo Imaaraadka heerkii ugu xumaa uu gaaray.

C/weli Gaas ayaa sheegay in booqashadiisa ay tahay casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Imaaraadka isla markaana uu kala hadli doono arrimaha ciidamada badda, PMPF oo tan iyo 2011 ay gacanta ku hasay dowladda Imaaraadka.

Gaas ayaa tilmaamay in arrimaha Ciidamada Badda [PMPF] iyo horumarinta kaabiyaasha dhaqaalaha oo horey dowladda Imaaraadka uga wadey Puntland uu kala soo hadli doono madaxda dalka Imaaraadka inta uu booqashada ku joogo dalkaasi.

Warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxay ayaa sheegay in saraakiishii Imaaraatka ee ku sugnaa Puntland ay ka ka dhoofeen Boosaaso, hase ahaatee wararkaasi waxaa genafka ku dhuftay C/weli Gaas oo ku adkeystay in xiriirka Puntland iyo Imaaraadka uu yahay mid wanaagsan.

Casuumaada Gaas ee Imaaraatka ayaa la sheegay inay salka ku hayso xiisada siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo Imaaraatka, iyadoo loo arko booqashada Gaas mid qas iyo fowdo ay dooneyso Imaaraatka Carabta.

Khilaafka xalka loo waayay ee DF Somalia iyo Imaaraatka ayaa ah mid salsa ku haaya heshiisyada shirkada DP World iyo P&O ay la gashay maamulada Somaliland iyo Berbera oo saldhig milateri u noqon doona Imaaraatka.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
Caasimada@live.com