Ololaha doorashada guddoomiyaha BF oo si xowli ah u socda iyo murashax dhaqaale badan lagu bixinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah ugu socda loolanka iyo xod-xodashada loogu jiro  codadka xubnaha baarlamaanka, iyadoo la filaayo in lagu dhawaaqo goorta ay dhacayso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Waxaa xilkaan u taagan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somalia, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo xilal ka heyn dowladda.

Murashax kasta wuxuu taageero ka haystaa garab ka mid ah dowladda ama koox siyaasadeed, hase ahaatee waxaa muuqata in murashax si weyn looga taageerayo xukuumadda iyo madaxtooyada, gaar ahaan agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin oo juhdi badan ku biixnaayo murashaxaasi.

Waxaa soo shaac baxay durba sida madaxda dowladda u kala taageersan yihiin musharixiinta xilka Gudoomaamiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyaga oo dhaqaale aan caadi aheyn ku baxinaya sidii ay u soo baxi lahaayeen shaqsiyaad gaara oo ay doonayaan inuu kusoo baxo shaqsi iyaga taabacsan kuna fakir ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiiga xukuumadda Xasan Cali Khayre, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ololaHiisa doorashada waxaa hormuud ka ah Fahad Yaasiin iyo taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Saadaq Joon iyo kuxigeenkiisa Jaamac.

Dhanka kale Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA],Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan ‘Xuseen Calool-kuus’ ayaa isagana u ololeynayaa Mushuraxa Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur, waxaana lagu xantamayaa in si hoose isaga warqabaan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo murashaxaan ka dhigtay plan B, si hadii Maxamed Mursal uu codkii loo baahnaa u waayo, Xaaji Cali Sheekh Maxamed codka loogu shubo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loogu fadhiya in ay waajibaadkooda si sharaf leh ugu soo baxaan, meeshana ka saaraan dhaqamadii horay u jiray ee iibsashada cododka.