Sawirro: Sirdoonka Israel oo si fool xun Malaysia ugu dhex toogtay aqooyahan Xamas ka tirsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Bare Falastiini ah xubinna ka ahaa ururka hubaysan ee Xamaas ayaa waxaa lagu dilay rasaas laga soo furay gaari mar uu marayay mid ka mid waddooyinka caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur.

Qoyska 35 jir-kan lagu magacaabo Fadi al-Batsh, ayaa waxa ay sirdoonka Israa’iil ee Mossad ku eedeeyeen inuu ka dambaysay dilka Sabtidii ninkaasi loo gaystay.

Fadi al-Batash, waxaa uu ahaa Injineer u dhashay Falastiin kana tirsanaa Ururka Xamaas ee la dagaallama Israel,waxaa lagu dilay aaka Magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysia.

Waxaa uu ahaa Injineer dhinaca tamarta ah,waxaa uu Malaysia ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay,Bare sare ayuu ka ahaa Jaamacad Gaar loo leeyahay sidoo kale waxaa uu ahaa Imaam Masaajid.

Labo Nin oo watay Baaskiil ayaa ku dhuftay 10 Xabadood isaga oo galayay Masaajidka sida ay sheegeen Booliska Malaysia.

Qoyska Ninkan iyo Garabka Milatari ee Xamaas ee loo yaqaan Islamic Jihaad ayaa sheegay in dilka Fadi al-Batash ay ka dambeysay Hay’adda Sirdoonka Israel ee Musaad.

Ururka Xamaas ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in uu Ninkan iyaga ka tirsanaa,waxaana uu sidoo kale ka mkd ahaa Ururro Islaami ah oo dhinaca samafalka ah oo uu ka mid yahay My Care.

Qoyska Fadi al-Batash,ayaa sheegay in Maalinta Axadda ee Berri ah oo qorsheynayay in uu u dhoofo Dalka Turkiga halkaas oo uu uga qeyb geli lahaa shirka Cilmiga Tamarta oo ka dhacaya Dalka Turkiga.

Natiijada sawirka Fadi al-Batash

Natiijada sawirka Fadi al-Batash

Natiijada sawirka Fadi al-Batash

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Fadi al-Batash

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com