Somaliland oo ugu danbeyntii sii deysay boqorkii khudbada ku muteystay xariga

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Xabsiga kasii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo maalin un ka hor lagu xiray Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow, oo lagu eedeeyay arrimo ka hor imaanaya xoriyadiisa gaarka ah ayaa waxaa Xabsiga kasii daayay ciidamada Booliska.

Maamulka ayaa Boqorka ku eedeeyay Booqasho uu ku tagay degaanada maamulka Puntland, waxa uuna xarigiisa dhacay kadib soo laabashadiisa.

Somaliland ayaa ku eedeysan Buurmadow in uu jeediyay hadallo kasoo horjeedda Qaranimadda Somaliland.

Boqor Cismaan, ayaan weli ka hadal xarigiisa waxaana lagu wadaa in saacadaha nagu soo aadan uu la hadlo saxaafada si uu uga dhiidhiyo xarigiisa.

Docda kale, waxaan si dhaba loo ogeyn asbaabaha soo dadajiyay xariga Boqor Cismaan, maadaama uu Boqorku miisaan ku dhex lahaa arrimaha maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com