Dhageyso: CC Sharmaarke oo iska fogeeyay heshiiska Berbera iyo cida heshiiskaas lagu tuhmayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa markii ugu horeysay ka jawaab celiyay hadalkii dhawaan kasoo dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in ay heshiiska ku saabsan dekedda Berbera ay galeen Xukuumaddihii hore ee soo maray Somalia.

Cumar Cabdirashiid waxa uu sheegay in haddalka kasoo yeeray Imaaraadka uu yahay mid aan sal iyo baar laheyn, isla markaana aanu jirin Heshiis ay Imaaraadka kula galeen Dekadda Berbera iyo Saldhiga Militery ee magaalada Berbera.

Waxauu Cumar Cabdirashiid cadeeyay in Imaaraadka aysan kawada hadlin Heshiiska Dekadda ay sheegayaan inay kula Heshiiyeen Xukuumadii hore ee Somalia.

Waxaa uu sheegay in uusan jiran wax heshiis ah oo ay wada gaareen Xukuumaddii hore ee uu hoggaamin jiray iyo dowladda Imaaraadka oo ku saabsan Berbera, balse waxa uu ku baaqay in laga fiirsado xaqiiqda Heshiiska.

Cumar Cabdirashiid, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aaminsan yahay in heshiiskaan uu dhacay wixii isaga ka dambeeyay.

Waxaa uu sheegay in aysan qarsoomi doonin cidii gashay heshiiskaan, isla markaana dowladda Imaaraadka Carabta laga doonaayo in ay cadeyso.