Ra’isul wasaare Kheyre oo lagu wargeliyey inuu xilalka ka tirsado wasiirrada sharraxan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa faray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu xilka ka tiriyo Wasiirrada isu sharraxay Guddoomiyaha Golaha shacabka .

Nuur shalay gelinkii dambe ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guuddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka,waxaana ay uu wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal kaga dalbaday Ra’isalwasaaraha in uu wasiirradaas xilka ka qaado.

Waxaa uu sheegay in Guddoonka Golaha shacabka uusan u tartameyn Qof Wasiir ah oo xilhaya,ilaa hadda 11 qof ayaa u sharraxan guddonka Golaha shacabka,saddex ka mid ah waa wasiirro ka tirsan Xukuumadda Kheyre waxaana ka mid ah Wasiirrada difaaca,Tamarta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle waxaa uu shalay xilkan kula tartamaya labo xildhibaan oo kale,waxaana loo doortay Guddoonka.

Maanta ayaa la filayaa Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ay soo bandhigaan Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha shacabka iyo habraaca doorashadaba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com