DF oo walaac xooggan ka muujisay xaalad deg-deg ah oo ka taagan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Marwo Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Sudan.

Ergeyga ayaa waxay sheegtay in xaaladda ka taagan dalkaasi ay keentay inay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo arday, kuwaasi oo qeyb ka yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si gaar ah isha ugu hayo xaaladda ka taagan dalka Sudan, si gaar ahaan daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaasi.

“Xafiiska Ergaygu waxaa uu ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu ergeygu qiray doorka muhiimka ah ee ay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo doorkeeda sama-tabixinta muwaadiniinta ku sugan dalkaasi.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xiriir dhow oo ay la leedahay safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) ayuu qirayaa ergeygu.”

Ergeyga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyay beesha caalamka inay taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan Suudaan, gaar ahaan carruurta iyo qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.