SSC oo qaaday tallaabo kadib go’aankii ay ku dhawaaqday + Sawirro

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Duqa degmada Laascaanood ayaa kormeer ku tegay Taliska Booliska Qeybta Guud ee gobolka Sool.

Isimida SSC iyo xubnaha kale ee la socda ayaa waxay halkaasi kulan xasaasi ah kula qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska ee SSC-Khaatumo.

“Golaha Isimada Dhaqanka ayaa saraakiisha Ciidanka Booliska ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee ciidanka Boolisku ay u hayaan shacabkooda.”

Isimida SSC ayaa faray dhammaan ciidanka Booliska inay sii labo jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga guud ee magaalada, islamarkaana gacan bir ah ku qabtaan dhamaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida.

Masuuliyiinta ay horkacayeen Isimida ayaa sidoo kale waxay kormeer indha-indheyn ah kusoo mareen xabsiga dhexe ee degmada Laascaanood, iyaga oo u kuur galay duruufaha uu ku shaqeeyo xabsigaasi.

“Waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay hawl-gelinta dhamaan xarumaha adeegyada dadweynaha ee degmada Laascaanood.”

Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo oo bishii la soo dhaafay lagu aas-aasay magaalada Laascaanood ayaa tan iyo markaasi waday howl-gallo ay ku xaqiijinayaa amniga xarunta gobolka Sool.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Isimida SSC ku dhawaqeen in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib, islamarkaana ay iska difaacayaan duulaanka Somaliland.