25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

DF Soomaaliya oo war culus ka soo saartay Al-Shabaab lagu laayey Jubaland

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay in kooxda Al-Shabaab duqeymo ka dhacay aagga magaalada Kismaayo looga dilay in ka badan 25 dagaalame.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Danab oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Mareykanka ayaa fuliyey duqeymo cirka ah ee lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Maqooqaha.

“Duqeymahaan ayaa laga fuliyey tuulada Maqooqaha oo qiyaastii 100 KM waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas si toos ah loogu beegsaday xarun ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay shirar iyo abaabulka weerarada argagixiso.

“Duqeyntan oo ahayd mid is xigxigtay ayaa lagu burburiyay talis muhiim ah oo kooxdaasi ku lahayd halkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale dowladda ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay duqeynta, iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo laga daadgureeyay goobta, sida lagu sheegay bayaanka.

“Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo sheegay in burbur baaxad leh uu gaaray xarumihii kooxda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qaybo kamid ah dalka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News