26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

DF oo war culus ka soo saartay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyey Sabiib iyo Caanoole

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dagaalkii maanta Al-Shabaab looga difaacay deegaanada mataanaha ah ee Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo si faahfaahsan looga warbixiyey sidii wax u dhaceen.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in 18 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka afar askari ay ka dhinteen ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga:

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abaaro 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa looga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta,a iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadigii maleeshiyaadkaas.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale.

Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay khawaarijta sameeyay.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

- Advertisement -

Read more

Local News