DF oo WAR cusub ka soo saartay xayiraadii Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya, Mudane  Axmed Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa faa faahin dheeri ah ka bixiyey waxa ka jira xiyaaradda dhinaca duulimaadka ee la saaray maamulka Jubbaland.

Maareeyaha ayaa marka hore beeniyey in la hakiyey dhammaan duulimaadyadii Kismaayo muddo saddex cisho ah, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin warqad rasmi ah oo ka soo baxday dowladda federaalka oo lagu joojiyey diyaaradihii tagi jiray garoonka magaaladaasi.

Axmed Macalin ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hadda aysan jirin wax xayiraad ah oo saaran Juubaland, kaliya waxa uu xusay in shirkadaha diyaaradaha la faray in duulimaadkooda Kismaayo ay hay’adda ku soo wargeliyaan 24 saac, ka hor, sida uu hadalka u dhigay.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay hakad gelisay diyaarad siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sii jeeday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana xigay amar la sheegay inuu ka soo baxay dowladda oo muddo 3 cisho lagu hakiyey dhammaan duulimaadii magaaladaasi, inkastoo oo uu hadda amarkaasi meesha ka saaray Maareeyaha hay’adda duulista hawada, Mudane Axmed Macalin.

Khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dmabeysa, kaas oo ka dhashay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com