Faysal Rooble: Billada la siiyay Farmaajo waa mid hooseysa oo sharaf dhac ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqoonyahan Feysal Rooble oo si aad ah u falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa qoraal dheer ee uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu uga warbixiyey biladii shalay Madaxweynaha Soomaaliya lagu siiyey dalka Mareykanka.

Feysal Rooble ayaa sheegay in abaalmarinta Concordia ay tahay mid hooseysa oo aan loo baahneyn in aan laga dhigin mid weyn.

Halkan hoose ka aqriso:

Runta Waa In Si Daacadnimo Ah Loo Sheego.

Saaxiibkey ayaan ka arkay Xog-dhigaalkan. Waxaan filayaa in Danjiraha wanaagsan ay ahayd inuu ku sameeyo baaritaan waxa ay tahay Abaalmarinta Concordia. Aqoonsiga qofku waa mid wanaagsan. Laakiin tani waxay liiditaan ku tahay Madaxweynaha Soomaaliya. Intaas waxaa dheer, Waxay daciifnimo ku tahay Wakiil waxbartay sida saaxiibkey inuu arrintaan nooga dhigo guul mudan aqoonsi qaran taasoo aan ahayn, Waxaa la adeegsanayaa been-abuur si guul looga dhigo meel aan waxba ka jirin.

Concordia waxaa sameeyey urur yar oo buunbuuniya mashaariicda caalamka oo aqoonsata dadka ka shaqeeya ururradaas. Qaar ka mid ah dadkii la siiyey Abaalmarinta Concordia waxaa ka mid ah:

Gloria Malone, oo ah aasaasaha ururka “Teen Mom” ee magaalada New York iyo Mohamed Yonis oo isna leh ‘Micro Loan ee dalka Banhladesh.

Ujeedkeyga aan ku iftiiminayo dhacdadan waa rabitaan aan doonayo inaan ku dhiirrigeliyo kuweenna waxbartay si ay u yeeshaan tayo oo aysan u marin-habaabin dadkeenna. Postiga aan ka hadlayo wuxuu dirayaa farriin qaldan sida in adduunku uu aqoonsaday guulaha Madaxweyne Farmaajo sidaasna ma aha arrintu.

Indheer-garadka mas’uuliyad ayaa ka saaran inay runta xoojiyaan iyagoo aan daacadnimada ka tegin. Soomaalida wey taqaan “Guulwadeyn” si la mid ah sida Afrikaanta Mareykanku ay meel fog uga ogaadaan Cunsuriyadda.

Abaalmarinta Concordia waa mid hooseysa oo uusan Madaxweyne arrin weyn ka dhigan karin. Abaalmarinta Concordia waa (NGO) yar oo xiriir la leh Jaamacado tayadoodu liidato oo saldhiggoodu yahay Virginia.

Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu maalin heli doono Abaalmarin u dhiganta sharafta iyo guulaha xafiiskiisa. Maalintaas ayaan la dabbaaldegi doonnaa laakiin tani ma aha Abaalmarin.

W/Q: Faisal Rooble

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com