Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan kolonyo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Nuur Shuute lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada waddada jaayga ee degmada Kaxda.
Qaraxa ayaa ka dhashay Miino la dhigay waddada dhinaceeda, taas oo lala bartilmaameedsay gaadiidkan oo ka yimid dhanka gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ay heleyso Caasimada Online ayaa sidoo kale intaas ku daraya in guddoomiyaha uu ka badbaaday qaraxaasi, walow uu jiro khasaare kale oo ka dhashay.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin askar, halka ruuxa kale uu yahay shacab.
Sidoo kale wuxuu burbur xoogan soo soo gaaray mid ka mid ah gawaaridii galbineysay gudddoomiyaha, kaas oo uu lahaa xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada, Buulle.
Xasan Cali Nuur iyo Shuute iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa ka yimid saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini, halkaas oo uu dhowaan ka dhacay weerar lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaas oo noqonaya kii 2-aad oo isla maanta ka dhaca Muqdisho, iyadoo saaka ciidamo kale qarax lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 3 Askari.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com