DF Soomaaliya oo war ka soo saartay geerida wariye C/qaadir Maxamed Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay Allaha u naxariistee geeridii ku timid Wariye Cabduqaadir Maxamed Mursal oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka oo uu ku xanuunsanaa.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka, asaxaabta iyo Qaranka.

Sidoo kale wuxuu wasiir Maareeye marxuumka eebbe uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Allaha u naxariistee Cabduqaadir Maxamed Mursal ayaa ahaa Saxafi Rug Caddaag ah, wuxuuna ka mid ahaa wariyeyaasha caanka ah ee Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Macalin Saxaafadeed oo soo saaray wariyeyaal dhowr ah oo ka shaqeeya warbaahinta Soomaalida.

Sanadihii u dambeeyey wuxuu C/qaadir ku noolaa wadanka Mareykanka oo uu xalay ku geeriyooday, kadib in muddo ah uu ku xanuunsanaa dalkaasi.