Saddex guddi oo la dhisayo iyo wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in shirka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada uu meel wanaagsan marayo, kuna dhow yahay in lasoo geba-gebeeyo.

Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in is-faham laga gaaray dhismnaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah; guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Labada guddi ee hore ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii madaxtooyada lagu gaaray 17-kii September, hase yeeshee waxaa lasoo kordhiyey guddiga xalinta khilaafaadka, oo shaqadiisu noqon doonto inuu xaliyo wixii ay isku qabtaan labada guddi ee heer federal iyo heer gobol. Labada guddi ee heer federal iyo heer gobol ayaa si wadajir ah u maamuli doona doorashooyinka.

Guddigan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada. Labada guddi ee kale ee doorashada ayaa waxaa kala magacaabi doona madaxweynaha iyo madax goboleedyada.

Guddiga xalinta khilaafaadka, ayaa waxaa markii heshiiska doorashada lagu ansixinayey baarlamanka soo jeediyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale, warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Cabdi Cali Raage, oo ah la-taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, loo badinayo in loo magacaabo guddoomiyaha guddiga doorashada dad-ban ee heer federaal.