Daawo: XUSEEN XAASHI, ganacsadihii lagu jir dilay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho oo xog bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Xoosh oo ah ganacsade ka shaqeeya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaana muuqaalkiisa lagu baahiyey baraha bulshada, iyadoo ay jir dilayaan afar askari oo boolis ah ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta loo jir dilay.

Xuseen oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in subixii Talaadada ee shalay uu askari ka tirsan booliska ka howlgala gudaha garoonka is hor taag ku sameeyey mid ka mid ah shaqaalihiisa, kadibna uu lasoo xariiray isaga oo ka cabanaya askariga.

Waxa uu sheegay in markii uu u tegay askarigii mar kale uu ka diiday inuu u fasaxo wiilkii ka tirsanaa shaqaalihiisa, intaas kadibna uu kula murmay sababta uu ugu diidayo isagoo ganacsade ah wiilkaas ka tirsan shaqaalihiisa inuu soo galo garoonka.

“Waxaan ku iri askari sharci nakala hagaa ka jira meeshaan, 10-sano ayaan ka shaqeynayey garoonka ee sharciga ilaali, intaas markaan dhahay waxaan ka war-helay askarigii oo dharbaaxo igu dhuftay iyo isagoo dhahaya hala dilo, kadib waxaan soo baraarugay anigoo dhulka aalla oo afar askari ay i jir dilayaan” ayuu yiri Xuseen Xoosh oo ah wiil dhalinyaro ah oo ganacsi ku dhex leh garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xuseen ayaa cadaalad dalbaday, waxuuna ka codsaday taliska booliska Soomaaliya in garoonka la geeyo askar anshax leh, maadaama uu yahay muraayadda dalka.

Waxa uu sheegay in kiiskiisa uu soo farageliyey taliyaha booliska ee garoonka Aadan Cadde Cabdifitaax Bashiir, isla markaana uu lasoo wadaagay in afartii askari ee jir dilka kula kacday ay xiranyihiin.

Hoos ka Daawo wareysiga