26.7 C
Mogadishu
Friday, May 16, 2025

DF oo war ka soo saartay Soomaali uu soo tarxiilay Trump oo ku xayiran Panama

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan ayay ahayd markii tobanaan soo-galooti ah oo Maraykanka laga soo tarxiilay lagu xiray hoteel ku yaalla Panama – dadkaas waxaa ka mid ahaa Soomaali laga soo celiyay dalka Maraykanka, kuwaasoo dowladda Panama ay dooneyso in ay u dirto waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaan wax ka weydiinay waxa ay ka ogyihiin dadkaas iyo waxa ay u qorsheeyeen ilaa iyo haatan.

“Illaa hadda xogta aan hayno waxay tahay in Panama ay hadda ku sugan yihiin dad Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Maraykanka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda ma oga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu noo sheegay la-taliye Diinaari oo horey u hoggaamiyay howlgallo ay wasaaraddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku sugnaa waddamo kala duwan. Balse waxa uu qiray jiritaanka dadka Soomaalida ah ee Maraykanka laga keenay ee ku sugan Panama.

“Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waxaa naloo hayaa macluumaadkooda,” ayuu yidhi Diinaari isagoo ka warbixinaya xaaladda.

Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ah ee la keenay Panama, waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horreysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas tahay in ay xiriir la sameeyaan safaaradda Soomaaliya ee ku taalla caasimadda Havana ee dalka Cuba.

Waxaa xusid mudan in xiriirka Soomaaliya iyo Cuba dib loo soo celiyay sanadkii 2023, kadib muddo 46 sano ah. Hase yeeshee, Soomaalida la sheegay in ay ku sugan yihiin Panama iyo safaaradda Soomaaliya ee Cuba xad toos ah ma leh, waxaana u dhexeeya badda Karibiyaanka.

“Waxaan rajaynayaa oo aan rabaa in aan dadkaas la socodsiiyo in safaaradda aanu ku leenahay Cuba ay la xiriiraan, si ay u helaan taakulo ama gacan ka helaan sidii ay meeshaas uga soo bixi lahaayeen – waxaan filayaa in safiirku uu diyaar u yahay,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan xusin habka ay ula xiriiri karaan safaaradda ama sida ay halkaas ugu tegi karaan, maadaama aysan jirin xad toos ah oo u dhexeeya labada waddan – midka ay ku sugan yihiin iyo halka safaaradda Soomaaliya ay ku taallo, oo ay masaafo ahaan kala fog yihiin 1,478 km.

“Safaaradda Washington iyo xafiiska aanu ku leenahay New York waxay wadaan dadaallo ay kula shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, si dadkaas dib loogu soo celiyo dalkooda. Xiriirkaasna wuu socdaa,” ayuu yiri Diinaari, isaga oo caddeynaya in safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo dowladda Maraykanka ay ka wada shaqeynayaan dib u soo celinta dadka Soomaalida ah ee la soo tarxiilay.

Xukuumaddii madaxweyne Donald Trump ayaa bilowday qorshaheeda masaafurinta dadka si aan sharci ahayn ku soo galay dalka Maraykanka, arrintaas oo uu madaxweynuhu si toos ah u amray. Masaafurinta dadkaasi waxay ahayd tiir weyn oo ka mid ahaa ol’olihiisii doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News