DF SOMALIA oo war kasoo saartay go’aanka ah in hawada dalka SOMALIA laga weeraro Yemen

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegey in aysan jirin wax go’aan ah oo dowladda Soomaaliya ay ku gaartay in ay dowladda Sucuudiga siiso saldhigyo ciidan oo xagga badda iyo kuwa cirka ah oo ay kaga duusho dalka Yemen.

“Waxaan filayaa in aysan jirin meel ay dowladda Soomaaliya ka sheegtey arrintaasi, tan kaliya oo ay sheegtey waa in ay taageereyso go’aanka jaamacadda carabta” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Waxa kale oo uu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu taageerey go’aanka Jaamacadda Carabta kaasi oo ah in madaxweynaha Rasmiga ah ee Yemen uu yahay mudane Haaddi oo hadda ku sugan dalka Sucuudiga, marka madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si toos ah u taageerey mowqifka jaamacadda carabta eek u aadan dalkaasi Yemen, halkaasi oo uu dalka Sucuudiga ka bilaabay hawlgal ay jaamacadda Carabta raali ka tahay”.

Dhanka kale afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegey in madaxweynaha Soomaaliya uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Banki Moon ka codsaday in dalka Yemen laga daad gureeyo kumanaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku go’doonsan.

“Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu codsaday in qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen jooga laga soo daldalo” , ayuu yiri, isaga oo intaasi ku daray in codsigaasi la ogolaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com