Xog: Odawaa oo faraha kula jira awoodaha R/W CCC Sharmaarke iyo Xasan Sheekh oo u hiiliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in R/W CC uu xiligaani qaati ka taagan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha DF Somalia C/raxmaan Max’ed Xuseen Odawaa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Odawaa uu baneystay shaqooyin aan laga farin Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka, taasi oo keentay in Cumar Cabdirashiid uu si KMG ah u hakiyo howlo badan oo khuseeya Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Wasiir Odawaa ayaa Labadii Asbuuc ee la soo dhaafay siyaabo qaldan u adeegsaday Siyaasado salka ku haya u kala eexashada Maamul Goboleedyo isku Khilaafsan Hanaanka loo adeegsan lahaa dardar galinta howlaha horyaala Maamulka.

Maamulka Jubba ayaa la sheegayaa in Ra’isul wasaare CC ay usoo gudbiyeen Dacwado ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, kadib markii safarkiisii ugu dambeeyay uu la hortagay ajandooyin aan la farin Odawaa.

Madaxweyne Xasan oo isagu hor boodaya Wasiirka ayaa ka caga jiidaya in Odawaa uu kala hadlo Arrimaha Khuseeya Siyaasada soo jireenka ahaa ee Gobolada, Nidaamka Xukuumada iyo awaamirta gaarka ah ee Xafiiska R/W CC.

Madaxweyne Xassan ayaa u muuqda inuu ku qanacsan yahay Siyaasadaha Odawaa ee uu kaga talaabayo sharciga, waxa uuna dhowr jeer ka aamusay Cabashooyin kaga imaaday dhanka Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com