Garoonka diyaaradaha Berbera oo saldhig laga duulaan taga u noqonaya xulufada Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Maamulka Somaliland, ayaa lagu sheegay in Maamulka uu aqbalay in Dowlada Sudan ay isticmaasho garoonka Berbera si ay uga duulaan tagaan weerarada lagu hayo Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Dowlada Sudan ayaa kamid ah Dowladaha qeybta ka ah Howlgalka ay hogaamineyso Boqortooyada Sacuudiga, waxa ayna si toos ah diyaaradaheeda dagaalka xiligaan iyo wixii ka dambeeya uga kici doonaan Garoonka Berbera.

Go’aankani ay Dowlada Sudan ku adeegsaneyso garoonka, ayaa yimid kadib kulan Waqti badan qaatay oo dhexmaray Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland iyo Xubno ka socday Dowladda Sudan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa hore u taageeray Go’aanka lagu aas aasay Isbaheysiga dagaalka kula jira Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com