Khilaaf ka dhashay dhismaha BAARLAMAANKA Maamulka Jubalanda oo gaaray gacan ka hadal

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Maamulka Jubba uu soo bandhigay qaabka loo qeybinaayo Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa waxaa hadana taagan Khilaaf adag oo ka dhashay Baarlamaanka.

Waxaa iminka la soo warinayaa inuu sii xoogeysanaayo khilaaf ka taagan sida loo qeybsanayo Xildhibaanada Barlamanka ee Juba oo lagu soo xulayo Degmooyinka sida loo kala dago.

Khilaafka ayaa waxaa xaqiijiyay Ugaas Cumar Xiireey oo ka mid ah Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Juba waxa uuna sheegay in khilaafka uu ka taagan yahay sida loo qeybsanayo Xildhibaanada.

Isagoo ka hadlaayo arrintaasi ayaa waxa uu yiri “Khilaafka wax kale maaha ee qolo waliba waxa ay dooneysaa sadbursi si ay u hesho kuraas Barlamaan oo badan hadase waa la isku soo dhawaanayaa masuuragaleyso in reer gaar ah loo badiyo”

Dooda ugu badan ayaa la sheegay inay ka taagan tahay sida loo soo xulayo Barlamanka Juba ee Gobolada Jubada dhexe iyo gobolka Gedo, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka uu doonayo in reero gaar ah uu u kordhiyo kuraasta.

Dhanka kale, Odayaasha qaar ayaa iyaguna aad uga soo horjeeda waxa ayna ku doodayaan inay shirka isaga bixi doonaan waa hadii aan si sinaan ah loo qeybin, waxaana la tilmaamayaa in Khilaafka uu dhaliyay gacan ka hadal dhexmaray Odayaal ka tirsan Ergooyinka oo qaarkood Jeelka la dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com