AXMED Cabdi Salaam oo tagay Dhuusomareeb kana hadlay qorshihiisa GOBOLLADA DHEXE

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Itoobiya Danjire Axmed C/salaan Xaaji Aadan, ayaa waxa uu maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, markii uu Magaalada Muqdisho ka amba baxay.

Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Somaliya Mahad Cabdalla Cawad, oo lagu waday inay Magaalada Dhuusamareeb isla wada gaaraan Axmed C/salaan, ayaa si kedis ahayd kaga baaqday, iyadoo aan sababta la sheegin.

Cawad, ayaa la tilmaamay in uu buuxin lahaa booska Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaa oo ka baaqsaday safar uu maanta ku taggi lahaa Magaalada Dhuusamareeb, taa bedelkeedana uu taggi doono Cadaado, haddii aan qorshaha waxba laga bedelin.

Axmed C/salaan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in maalmaha soo socdo uu jooggi doono Magaaladaasi, isla-markaana uu kulamo kala duwan kula qaadan doono Odayaasha Dhaqanka.

Waxa uu Odayaashu ku ammaanay inay qabteen shaqo wanaagsan, oo ah inay shir u qabteen beelaha deegaanka, si ay isugu wada yimaadan, iskuna cafiyan, si loogu dhiso Maamul ay ku mideysan yihiin.

Axmed wuxuu cadeeyay inuu yahay musharax u taagan jegada Madaxtinimada ee Maamulka Gobolada Dhexe, isla-markaana uu dhageysan doono rabitaanka bulshada deegaanka.

Inkastoo Safiirka ay saxibo dhow yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa hadana waxaa la aaminsan yahay in Madaxweynuhu uu jegadaasi la doonayo C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com