Jilaayaasha aan dowliga aheyn oo DF SOMALIA ku eedeeyay Musuq maasuq baahsan iyo inay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda SOSCENSA ee Jilaayaasha aan dowliga aheyn ee Koofurta iyo bartamaha Somalia ayaa looga hadlay dhibaatooyinka daahsaday Hay’adaha samafalka DF Somalia, waxaana intiisa badan xooga lagu saaray Musuq maasuqa Hay’adaha samafalka iyo goobaha waxbarasho.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Aqoonyahaano, Ardey iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka ah kuwaasi oo fikradahooda ka dhiibtay sida wax looga qaban karo musuq maasuqa, waxa ayna badi sheegen in DF Somalia ay saldhig u tahay Musuq maasuqa.

Cabdullahi Maxamed Shirwac Gudoomiyaha Hay’adda SOSCENSA, ayaa sheegay in musuqmaasuqa uu aas aas u yahay nidaamka 4.5 kaasi oo hadii aan laga gudbin uu sheegay in aan laga baxeyn wax isdaba marin.

Waxa uu sheegay daraaso ay sameeyen inay ku Ogaaden in %85 Xafiisyada DF Somalia ay ka taagan yihiin Musuq iyo naas-nuujinta dadka halboolaha u ah Qabyaalada.

Isaga oo ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri“Dowladnimada Soomaaliya waxaa hortaagan musuq maasuq iyo qabyaalada, xafiisyada dowladda ayey ka jirtaa cadaalad darada, waxaa arrintaasi looga bixi karaa, iyadoo dadka ay doorasho kusoo baxaan”.

Ugu dambeyntii, waxa uu carabka ku dhuftay in Hay’adda ay wakhti badan ku bixisay la dagaalanka Musuqa, hayeeshe aysan suuragalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com