Hiiraan oo la doonayo in 2 GOBOL loo qeybiyo

Beledweyne (Caasimada Online) – Shirar maalmahan ka socdey magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa looga arrinsanayay sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolkaasi.

Waxaa shirarka ka qeybqaadanaya odayaal ka tagay magaalada Muqdisho iyo kuwa halkaasi kusii sugnaa, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay diiradda saarayaane waxaa ka mid ah in gobolka Hiiraan laga dhigo labo gobol, islamarkaasina kaligiis loo sameeyo maamul isaga oo aanan lagu darin Shabeelada Dhexe.

Dadkii hadlay waxaa ka mid ahaa nabadoon axmed Cabdulle Jimcaale wuxuuna yiri “Waxaa shirkaasi maanta la’isku afgartay in ka furanto gogoshii gobolka Hiiraan, aayo ka talintiisa looga hadli lahaa, ayna ugu horeyso sidii nabadda loo hirgalin lahaa, oo dib u heshiisiin loo bilaabi lahaa, kadibna aayaha gobolka iyo masiirkiisa sida uu noqon doono laga wada tashanayo, lana go’aamin doono insha alaahu “

Dhawaan ayaa mid ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan Xildhibaan Abukaate Daahir waxa uu u sheegey in aysan ogoleyn in ay la midoobaan gobolka Shabeelada Dhexe, isaga oo sheegey in madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu labo gobol ka dhigay Hiiraan, isaga oo sidoo kale sheegey in Hiiraan uu ka mid ah goboladii jirey xiligii xornimadii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com